Sign in to follow this  
Deeq A.

Kulan xasaasi ah oo xalay lagu qabtay M/Guriceel

Recommended Posts

Deeq A.   

kulankaan oo ka dhacay xaruunta Taliska Booliska degmada Guriceel, waxaana isugu yimid saraakiisha ciiqamada qalabka sida ee dowlada federaalka Soomaaliya iyo qeybaha kala duwan bulshada magaaladaasi.

Kulankaan sidoo kale waxa goobjoogka ahaay masuuliyiin ka socotay maamulka degmada, madaxda  Garsoorka degmada, culumada deegaanka iyo shacabka magaalada.

Kulanka waxa looga hadlay xoojinta midnimada ,wadajirka iyo nabada deegaanka iyo sidii shacabka iyo dowladu isaga kaashanlahaayeen xaqiijinta amaanka degmada.

Masuuliyiinta iyo bulshada degmada Guriceel ee madasha ka hadlay ayaa balan qaaday in ay si dhow ula shaqeynayaa ciidamada qalabka sida ee ka shaqeynaya ammaanka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this