Sign in to follow this  
Deeq A.

Khasaare ka dhashay roobab mahiiggaana oo ka da’ay Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
4-6.jpg?w=1000&ssl=1Daadad ku rogmaday degaanka Towfiiq

Roobab mahiiggaan ah oo 24-kii saac ee la soo dhaafay ka da’ayay degaanno ka tirsan Puntland, ayaa la soo sheegayaa in ay meelaha qaarkood khasaare ka gaysteen.

Dadka Degaanka Towfiiq ee gobolka Mudug ayaa soo sheegay, in roobabka dayrta ee halkaasi ka da’ay  24-kii saac ee la soo dhaafay, ay daadad xooggan ka sameeyeen degaanka, islamarkaana ay xool badan kala tageen qoysas reer guuraaya.

Sidoo kale, Sawiro laga soo qaaday degaanka Towfiiq oo la soo geliyay baraha bulshada ayaa muujinaya ari bakhtiya oo dul sabbaynaya biyaha roobka ee ku soo rogmay degaankaasi.

Roobabka mahiiggaanka ah, ayaa tan iyo habeen hore ka da’yay degaanno ka tirsan gobollada Bari, Nugaal, Karkaar, Gardafuu iyo Sanaag, gaar ahaanna dhulka xeebaha eek u teedsan badweynta Hindiya iyo badda Cas.

PUNTLAND POST

The post Khasaare ka dhashay roobab mahiiggaana oo ka da’ay Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this