Sign in to follow this  
Deeq A.

Turkey oo war ka soo saartay siyaasadda Soomaaliya iyo doorashada 2020-ka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibedda Turkey ayaa axaddii sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay caawimaadda Turkey, si loo xaqiijiyo inay hesho xasilooni siyaasadeed islamarkaana dib loogu qaabeeyo ciidamada amniga qaranka, si ay taasi u abuurto jawi ogolaan doona horumar dhaqaale.

Mevlut Cavusoglu ayaa hadalka ka sheegay kulanka Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Urur Iskaashiga Islaamka oo ka furmay magaalada Doha ee dalka Qatar.

“Waa waajib saaran umadda [Islaamka], si ay uga gargaaraan dhibka Soomaaliya” ayuu yiri Cavusoglu, oo intaas ku daray in loo baahan yahay in is-faham la gaaro si loo xaqiijiyo nabadda Soomaaliya, islamarkaana khilaafyada dhinac la iska dhigo.

Cavusoglu ayaa sheegay in loo baahan yahay wada-shaqeyn si sare loogu qaado maqaamka Soomaaliya ee caalamka.

“Soomaaliya waxay u baahan tahay caawimaadeenna si loo xaqiijiyo xasilooni siyaasadeed, dib loogu qaabeeyo ciidamada amniga qaranka, islamarkaana loo abuuro jawi ogolaan doona horumar dhaqaale.” Ayuu yiri.

Cavusoglu ayaa sheegay in Turkey ay qeyb qaadatay dhammaan hindisooyinka caalamiga ah ee Soomaaliya, si dalka loo taageero.

“Waxaan fududeynaa, oo aan dhex-dhexaadinaa wada-xaajoodyada Soomaaliya iyo Somaliland,” ayuu yiri isaga oo intaas ku daray in doorashada dhaceysa 2020 ay noqon doonta mid saameyn weyn ku yeelan doonta mustaqbalka Soomaaliya.

Turkey ayaa ah dalka ugu weyn ee taageera Soomaaliya, ka sokowna taageeradiisa, waa dalka kaliya illaa hadda taageero muuqata oo la taaban kara siiya Soomaalida, ayada oo dhammaan dalalka kale ee caalamka ay taageeradooda tahay mid af un ku kooban ama aan soo dhaafin madaxda xukuna haysa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this