Sign in to follow this  
Deeq A.

Askar ka tirsanaa ciidanka dowladda oo lagu dilay Buulo-Burte

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo soo gaaraya Buulo-Burte ayaa ku warramaya in xalay askar ka tirsanaa ciidanka dowladda, lagu dilay duleedka degmadaasi, kadib markii ay weerar gaadmo ah ku soo qaadeen dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

Askarta la dilay oo labo ahaa, islamarkaana ka tirsanaa Milatariga Soomaaliya ayaa la sheegay ilaalo ka hayeen Ceel Biyood laga qodayo duleedka magaalada Buulo-Burte ee gobolka Hiiraan.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmadaasi ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in dilka askartaasi ay fuliyeen xubno ka tirsan Al-Shabaab, kadibna ay goobta isaga baxsadeen.

Sidoo kale xubnaha aan la hadalnay ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ee dowladda ay ku raadjoogaan raggii ka dambeeyey dhacdadaasi, islamarkaana ay haatan baaritaano xoogan ka wadaan qeybo ka mid ah Buulo-Burte.

Ammaanka degmadan ayaa mudddooyinkii dambe ahaa mid aad looga deyrinayey, waxaana weeraro iyo dilal qorsheysan ka fulinayey dagaalyahannada Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa dhankooda gobolka ka wada howlgallo iyo dhaq dhaqaaqyo Milatari oo Al-Shabaab looga saarayo deegaanada ay heystaan.

Caasimada Online
Xafiiska Beledweyne
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this