Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Bankiga adduunka oo markii u horreysay maanta xafiis ka furtay Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay madaxweyne ku-xigeenka bangiga adduunka, Xafiz Ghanim oo dalka soo gaaray maanta, xarigana ka jaray xafiiska cusub ee Bangiga adduunka oo Muqdisho laga furay.

Kulanka oo ay ka qayb gashay agaasime gobaleedka IFC ee Afrika, Ms Jumoke Jagun-Dokonmu ayaa looga hadlay dar-dar gelinta qorshaha deyn cafinta dalka, barta go’aanka ee Febraayo 2020 iyo shaqo abuurka dhallinyarada.

Xafiz Ghanim ayaa kulanka ka caddeeyay inuu ku farxsanyahay in booqashadiisa ay ka tarjumeyso sida bangiga aduunka ay uga go’antahay taageerada Soomaaliya, shaqada wanaagsan ee dowladdu qabatay iyo hagaajinta lagu sameeyay hay’adaha dhaqaalaha dalka, waxuuna madaxda dowladda uga mahad celiyay hoggaanka wanaagsan.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo Bangiga adduunka uga mahad celiyay taageerada ay siiyaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ayaa caddeeyay in ay xukuumaddu sii wadi doonto dadaallada loogu jiro gaarista barta go’aanka ee Febaraayo.

Xafiz Ghanim ayaa shirka uu Ra’iisul Wasaaraha la yeeshay kadib waxa uu xafiiska madaxweynaha si wadajir ah ugula shiray madaxweynaha jamhuuriyadda, mudane Maxamed Cabduullahi Maxamed Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre.

Madaxweynaha oo bogaadiyey dadaalka xukumadda ee dayn cafinta iyo horumarinta hannaanka maamulka maaliyada, ayaa bangiga adduunka uga mahad celiyay taageerada joogtada ah ee shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Dowladda federaalka Soomaaliya oo dadaal xooggan gelisay qorshaha deyn cafinta, ayaa ku guuleysatay in buuxda looga soo baxo dhammaan shuruudihii deyn cafinta ee SMP1SMP2, iyo SMP3, meel gebabeba ah lasoo gaarsiiyo SMP4.

49006578007_4809301026_k.jpg BG5I9600.jpg BG5I9539.jpg BG5I9867.jpg BG5I9582.jpg BG5I9507.jpg BG5I0222.jpg BG5I9382.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this