Sign in to follow this  
Deeq A.

Deni oo sheegay in Puntland heshiisyo la gelayso shirkado Maalgeshi oo aan dowladda Federaalka soo marin

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid  Cabdullaahi Deni oo xalay hadal ka jeediyay degmada Dangoroyo ee gobolka Nugaal, ayaa sheegay in Puntland ay ku adagtahay in ay dowlado shisheeye heshiisyo maal-gelin ah la gasho, maadaama aan Puntland caalamka laga aqoonsaneyn.

Balse, wuxuu sheegay in weli Puntland ay haysato fursado kale, si ay u soo jiidatao Maalgeshiga caalamiga ah, isagoo xusay in xukuumaddiisu ay heshiisyo dhinaca maalgeshiga ah la geli doonto shirkado shisheeye oo sida uu sheegay ka waaweyn dowlaha qaar kood.

Haddii ay adkaatay waxa la yiraahdo Bilateral-ka ( in dowlado aan heshiis la galno) yaan heshiis lageli karnaa? Shirkado Ayaan heshiis la geli karnaa. Adduunka waxaa jira shirkado dowladaha ka waaweyn” ayuu yiri Deni.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Puntland ay leedahay khayraad fara badan ,sidaasi darteedna khayraadkaasi looga faa’idaysan karo, in heshiisyo lala galo shirkadaha Maalgeshiga Caalamiga ah, si labada dhinacba uga faa’idaan.

Hoos ka daawo muuqaalka madaxweynaha

PUNTLAND POST

The post Deni oo sheegay in Puntland heshiisyo la gelayso shirkado Maalgeshi oo aan dowladda Federaalka soo marin appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this