Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Baraawe

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Lafta Gareen iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baraawe ee gobolka Sh/Hoose.

Lafta Gareen iyo wafdigiisa ayaa waxaa halkaas ku soo dhoweeyey dadweyne fara badan iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolkaasi.

Ujeedka safarka Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay inuu la xariiro u kuur galida xaaladaha dhanka nolosha iyo amniga ee magaaladaasi.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in Madaxweynuhu durbo kulamo kala duwan oo uu la yeelanayo qeybaha bulshada iyo maamulka uu ka bilaabay halkaasi.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:

Lafta Gareen 2-7

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this