Sign in to follow this  
Deeq A.

Cabdikariin Xuseen Guuleed oo qodobo xasaasi ah kasoo saaray xiisadda Ahlu Sunna iyo DF

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Cabdikariin Xuseen Guuleed oo la filayo inuu isku soo taago xilka madaxweynimo ee Soomaaliya ayaa baaq deg deg ah kasoo saaray xiisadda ka dhex taagan Ahlu Sunna iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Cabdikariin oo horey usoo noqday madaxweynaha Galmudug ayaa Dowladda iyo Ahlu Sunna ugu baaqay inay joojiyaan gulufka colaadeed iyo gacan ka hadalka, waxii is faham la,aan ahna lagu xaliyo is faham iyo wadahal.

Cabdikariin ayaa  Ahlu Sunna ugu baaqay inay ilaashato xushmaddii ay ku laheyd dadka Galgaduud iyo halgankii ay soo gashay isla markaasna ay qeyb ka noqoto dowladnimada Soomaaliya.

Dowladda ayuu si gaar ah ugu baaqay inay ixtiraamto haddii ay jiraan wax heshiis ah oo ay la gashay culumada Ahlu sunna laguna tixgeliyo dowrkii ay ku lahaayeen la dagaalanka Al-Shabaab iyo difaaca deeganadaas.

Halkaan hoose ka akhriso baaqa Cabdikariin

BAAQ NABADEED

Waxaan shaki ku jirin in colaad iyo is faham la,aan ay ka soo daaleen deegaanada Galmudug oo aysan u baahneyn colaad iyo dagaalo kale oo dhiig ku daato.

Colaadaha iyo is fahamdarida soo noqnoqday ee deegaanadaasna ay ka reebeen dadka reer Galmudug asaagooda dowlad gobaleedyada kale ee ku naaloonaya nabad, xasilooni iyo horumar dhan kasta ah.

waxaana ayaan dari ah in ayadoo lagu guda jiro geedi socodka maamul dhisidda Galmudug in xasarado iyo guluf colaadeed ay halkaas ka soo if baxaan kana aloosmaan.

Haddaba waxaan ugu baaqayaa labada dhinac ee Dowladda iyo Ahlu sunaba arimaha soo socda:

  1. In labada dhinac ay joojiyaan gulufka colaadeed iyo gacan ka hadalka, waxii is faham la,aan ahna lagu xaliyo is faham iyo wadahal.
  2. Dowladda waxaan si gaar ah ugu baaqayaa inay ixtiraamto haddii ay jiraan wax heshiis ah oo ay la gashay culumada Ahlu sunna, tixgalisana dowrkii ay ku lahaayeen la dagaalanka Al-Shabaab iyo difaaca deeganadaas.

3 . Ururka Ahlu sunna waxaan ugu baaqayaa inaysan dib u cunin halgankoodii iyo xushmadii ay bulshada Galmudug iyo tan Soomaaliyeedba u hayeen, ayna garwaaqsadaan in ay lagama maarmaan tahay inay ku milmaan nidaamka dowladnimo, oo aysan marnaba suurta gal aheyn is feer socodka nidaam dowladeed iyo urur hubeysan, waayo waa waxaan isla jaan qaadi karin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this