Sign in to follow this  
Deeq A.

Howlgalla ka socda Jubbooyinka oo la boggaadiyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxamed Axmed Yaasiin xeer ilaaliyaha maxkamadda ciidamada ee dowlad goboleedka Jubbaland oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyey howlgallada ka dhanka ah Xarakada Al-Shabaab ee ka socda gobollada Jubbooyinka ee koonfurta dalka Soomaaliya.

Xeer ilaaliyaha ayaa boggaadiyey guulaha laga gaaray howlgalladii ugu dambeeyey ee ay ciidamada huwanta ka fuliyeen deegaanada Jubbaland.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ay jiraan dhibaatooyinka daryeel la’aan ah oo heysata ciidamada, balse ay wax ka qaban doonaan

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ay kordhiyeen dhaq dhaqaaqyada ay ka wadaan gobollad Jubbooyinka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this