Deeq A. Posted November 3, 2019 Xaashi C/raxmaan oo ah Aabaha dhalay Basro 18 jir ah, kuna nool degmada Buulo-Barude ee gobolka Hiiraan ayaa ka hadlay kufsi iyo jirdil gabadhiisa loogu geystay degmadaasi. Aabe Xaashi oo la soo xariiray Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in nin ka mid ah dadka deegaanka uu si arxan darro ah kufsi iyo jirdil uu isugu daray gabadhiisa. Sidoo kale Aabahani Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay soo faragelisa arrintan, islamarkaana kiiska ninkaasi loo soo wareejiyo Muqdisho. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Cod-1-cabdiqani.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites