Sign in to follow this  
Deeq A.

Mahad Salaad oo labo qodob u soo jeediyey siyaasadda Khayre ee Galmudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed Galmudug, gaar ahaan xiisada Ahlu Sunna iyo dowladda.

Ugu horreyn wuxuu ka hadlay xiisada Ahlu Sunna ee ka taagan Matabaan iyo Guriceel, isagoona su’aal ka keenay, sida ay xukuumadda ku gaari karto u jeedooyinka siyaasadeed ee Gamudug, iyadoo adeegsaneyso awood ciidan.

Sidoo kale wuxuu Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre u soo jeediyey labo qodob oo kala ah:1- in dagaalka Al-Shabaab ay ula heshiiyo Ahlu Sunna, si Galmudug looga xoreeyo guud ahaan kooxdaasi iyo 2- in aan dhiig loo daadin kursiga Galmudug ee la dhiso maamul ay ku qanacsan yihiin labada goboled ee Galgaduud iyo Mudug.

Halkan hoose ka aqriso:

GALMUDUG XAL AAN XABAD AHAYN HA LALA BAADI GOOBO!

48 saacadood ee lasoo dhaafay degmooyinka Guriceel iyo Matabaan waxaa ka jiray hardan ciidan oo u dhaxeeyay Ahlu Sunna iyo ciidamada dowlada. Intii dhimatay Allaha u naxariisto. Inta dhaawaca ahna Allaha u booga dhayo. Aamiin.

Sida muuqata labadaas magaalo hada gacanta dowlada ayay ku jiraan lkn waxaa iswaydiin mudan awood ciidan Xukuumadu maku gaari kartaa ujeedooyinka siyaasadeed ee ay Galmudug ka leedahay. Maxaase la gudboon Ahlu Sunna?

Inta aan ka warqabo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada labo ujeedo ayuu ka leeyahay Galmudug kuwaas oo kala ah: deegaanada Galmudug ee uu kasoo jeedo oo Al-Shabaab laga xoreeyo iyo Madaxweyne doorashada 2020 kala shaqeeya in Galmudug loo doorto. Ku ceebayn maayo oo waa wax uu ku fakari karo qof kasta oo deegaankiisa ka fakaraya ama damac siyaasadeed leh. Lkn waxaan xasuusinayaa labo kale:

Tan koobaad: Al-Shabaab dad isku uur ah ayaa iska xorayn kara, nimankii yaqaanayna waa kuwa aad siyaasada Galmudug isku haysaan ee kala heshii siyaasada. Wiilkii beri garabkaaga istaagi lahaana adigu maanta god ha u hoynin. Tan labaad: Galmudug kursi dhiig leh laguma dhaqi karo ee si mida hore aad uga miro dhaliso magac iyo maamuusna uga tagto dadka Galmudug wadar ogol maamul ha loogu dhiso.

Ahlu Sunna waliba si gaar Macalin Maxamuud iyo Sheekh Maxamed Shaakir waxaan leeyahay siyaasadu maanta kaliya maahan, dadka iyo deegaankana wax badan ayaad soo tarteen dadkuna maanta dowladnimo ayay u hanqal taagayaan sax iyo qalad waxay rabaan ha aaminsanaadeen ee adinku maanta u tanaasula una ogolaada dowladnimada ay hayaanka u yihiin, si beri hadii wax qaldamaan odoyaal marjac ah oo loo soo laabto aad u noqotaan. Dhalinyaradii dadka, deegaanka iyo diinta soo difaacayna beri ayaa looga baahi badanyahay ee maanta dabka yaan lagu shubin.

Mahadsanidiin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this