Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya oo xilka ka qaaday agaasimayaashii Warbaahinta dowladda

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa xilkq ka qaaday agaasimayaashii Radio Muqdisho, Telefishinka Qaranka ee SNTV iyo wakaaladda Wararka SONNA.

Dikreetada ka soo baxday xafiiska wasiirka Warfaafinta oo xilka looga qaaday agaasimihii Radio Radio Cadifitaax Daahir Jeyte, waxaa agaasimaha cusub ee Radio Muqdisho loogu magacaabay Yaxye Cali Faarax.

 Agaasimihii Telefishinka Qaranka SNTV Liibaan Cabdi Cali oo xilka laga qaaday, ayaa isna lagu beddelay Faarax Salaad Dharaar. Halka agaasimaha wakaaladda Wararka SONNA loo magacaabay Cali Cabdulqaadir Cali (Cali Maykal).

Wasiirka ayaa sidoo kale magacaabay agaasimayaal cusub oo ay ku jiraan, agaasimaha Madbacadda Qaranka, agaasimaha Fanka iyo Suugaanta wasaaradda Warfaafinta iyo agaasime-waaxeedka Maamulka iyo Maaliyadda ee Golaha Murtida iyo Madadaalada.

Hoos ka akhriso dikreedada Wasiirka

Maareeye.jpg?fit=1000%2C1417&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Wasiirka warfaafinta Soomaaliya oo xilka ka qaaday agaasimayaashii Warbaahinta dowladda appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this