Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo digniin adag u jeedisay kooxda Ahlusunna

Recommended Posts

Deeq A.   
SABRIYO.png?w=1000&ssl=1Wasiir Cabdi Maxamed Sabriye

Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye oo xalay warbaahinta kula hadlay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud, ayaa kooxda Ahlusunna uga digay  in ay fashiliyaan dadaallada loogu jiro  dib u-heshiisiinta iyo  dhismaha dowlad goboleedka Galmudug.

Waxa aan arkeyno maanta ma ahan Ahlusuna sidii aan ku soo wada bilownay, kama turjumeyso arrimihiisa masiiriga ahaa ee aan go’aanka ka gaarnay, Umadda Galmudug u sheegnay, waa dib u noqosho Dhaqanka Ahlusuna ka muuqdo waa dib u noqosho, waxaa leenahay walaalaheena ha bariiqanina jid fiican ayaa ku taagneyn, ha sababina idinkoo mid yar idin gaar ah meel ciriiri ah ku jirta labadaan farood ku raadinaya in aad Galmudug fashilisaan” ayuu yiri wasiirka.

Magaala-madaxnimadii Dhuusamareeb waa ku dhaawac, dadkii degaanka Dhuusamareeb waa ku dhaawac, Galmudug waa ku dhaawac. Magaca culimanimada iyo dadka culimada ah hoggaanka  laga rabo iyo sida laga rabo umaddooda in ay runta iyo xaqiiqada ugu dhaweeyaan hal mid oo kamid ah ma anfacayo” ayuu sii raaciyay wasiir Cabdi Maxamed Sabriye.

Hadalka wasiirka ayaa ku soo beegmay, xilli ay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya la wareegeen gacan-ku haynta degmooyinka Matabaan iyo Guriceel ee Hiiraan iyo Galgaduud, halkaasi oo ay horay ugu sugnaayeen malayshiyaad taabacsan Ahlusunna, iyadoo ay weli aloosantahay xiisad u dhexaysa labad dhinac.

Hoos ka daawo muuqaalka Wasiirka

PUNTLAND POST

The post Dowladda Soomaaliya oo digniin adag u jeedisay kooxda Ahlusunna appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this