Sign in to follow this  
Deeq A.

Talyaaniga Iyo Liibiya Oo Kala Saxeexday Heshiis Ka Dhan Ah Muhaajiriinta

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Liibiya)-Dowladaha Talyaaniga iyo Liibiya ayaa dib boorka uga jafay Sabtidii shalay heshiis hore ay u gaadheen laba dhinac oo lagaga hortagayo socdaalka sharci-darrada.

157271680643116.jpg

Heshiiska oo loo yaqaan The MoU, ayaa Talyaaniga la saxeexday bishii Febraayo ee sanadkii 2017-dii dowlada caalamka aqoonsan yahay ee uu hoggaamiyo ra’isul wasaare Fayaz Al-Saraaj.

Labada wadan ayaa isku raacay in si wadajir ah ay uga shaqeeyaan ka hortagga tahriibka iyo falalka budhcadnimada ah ee ka dhaca xeebaha iyo dhaxeeya Liibiya iyo Talyaaniga.

Inkastoo hey’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ay walaac ka muujiyeen tacadiyada muhaajiriinta ay kala kulmayaan Liibiya ayaa hadane labada waxay ku dhiiradeen in ay meel mariyaan Heshiiskaan.

Talyaaniga ayaa ka taageeri doono ciidanka ilaalada xeebaha Liibiya tababarida ciidanka badda qalabeynta iyo in ay ka qeyb qaataan xarumo loogu talagalay in lagu xanaaneeyo dadka muhaajiriinta Afrika.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this