Sign in to follow this  
Deeq A.

Ugu Yaraan 53 Askari Oo Lagu Dilay Weerar Ka Dhacay Dalka Mali

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Mali)-Ugu yaraan 53 Askari iyo hal qof oo shicib ah ayaa lagu dilay weerar argagixiso oo lagu qaaday ciidamada Milatariga ee dalka Mali, sida ay sheegtay dawadda dalkaasi.

190618194440-malian-troops-file-exlarge-

Kooxaha gurmadka ayaa helay maydadka dadkaasi la laayey iyo toban kale oo badbaaday, waxaana dawladedu ay sheegtay in weerarkaasi uu ka dhacay waqooyi-bari ee dalkaasi, sida uu ku dhawaaqay afhayeenka dawada Yaya Sangare oo warbaahinta la hadlay.

Dawladu waxay weerarkaasi ku tilmaantay mid argagixiso, waxaanay ugu baaqeen qaranku inuu ka guulaysan doono weerarka, dalkuna uu ahaan doono mid nabad iyo is-dhexgal bulsheed ay ka jirto.

Weerarkan ayaa noqonaya kii ugu dhimashada badnaa ee lagu laayo milatari intaa leeg sanadadan. Waxaana falkani uu daba socday weeraro dhawr ah oo lagu qaaday badhtamaha Mali bishii September oo ay ku dhinteen 38 Askari oo kale.

Inta badan waxa weerarada dalkaasi ka geysta koox gooni u goosad ah iyo Maleeshiyaad xidhiidh la leh Al-Qacida oo iyagu bartilmaameedsada goobaha ay milatarigu kaga sugan yihiin dalkaasi ku yaala Galbeedka Afrika.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this