Deeq A. Posted November 3, 2019 Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saaka ciidamada dowladda ay la wareegeen gacan ku heynta degmooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb. Sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah ciidamada dowladda ayaa gudaha u galay Guriceel, kadib iska hor imaad kooban oo ay la galeen ciidamada Ahlu Sunna Waljamaaca. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya uu gaaray degmada Guriceel, halkaasina uu ka wado kulamo xasaasi ah. Dhinaca kale ciidamada Ahlu Sunna ayaa goor dhow isaga baxay degmada Dhuusamareeb ee Caasimada maamulka Galmudug. Guddoomiyaha xaafadda Horseed ee degmadaasi ayaa Shabelle u sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay la wareegeen xarumihii Ahlu Sunna. Halkan hoose ka dhageyso Wareysiga. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/war-deg-deg-ah-.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites