Deeq A. Posted November 3, 2019 Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo xalay ku hoyday Beledweyne ayaa ka hadlay xaaladda nololeed ee ka taagan magaaladaasi. Ugu horreyn Madaxweynaha ayaa ku booriyey guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed inay ka qeyb qaataan u gurmashada walaalahooda ay saameeyeen fatahaadaha ka jira dalka. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay xoojin doonto, sidii loo caawin lahaa dadkaasi oo ku guryo beelay fatahaadihii ku dhuftay Beledweyne. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/cod-mahad-madaxweynaha-.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites