Sign in to follow this  
Deeq A.

Kooxo hubeysan oo dil ka geystay duleedka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil xalay kooxo hubeysan ay ka geysteen deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.

Dilka ayaa lagu soo warramayaa in loo geystay Nabadoon lagu magacaabi jiray, Nuur Ibraahim, kaas oo ka mid ahaa waxgaradka deegaanka.

Wararka ayaa sheegaya in maruuxmka ay toogasho ku dileen labo dhalinyaro ah oo ku hubeysnaa Bistoolado.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi.

Lama oga sababta loo dilay Nabadoonkaasi, welina ma jiro wax hadal ah oo uu maamulka deegaanka ka soo saaray dhacdadaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this