Deeq A. Posted November 3, 2019 Gud. cusub ee Dhahar Cabdifitaax Maxamed Salaad Wasaaradda Arrimaha gudaha dowladda Puntland, ayaa sheegtay in ay soo geba-gabaysay dhismaha Golaha Degaanka degmada Dhahar ee xarunta gobolka Haylaan. Liiska xildhibaannada cusub ee Golaha Degaanka Dhahar oo ay soo xuleen waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka ayaa shalay wasaaraddu shaacisay, waxayna isla xalay doorteen guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen cusub. Golaha oo ka kooban 27 xubnood ayaa guddoomiye u doortay, Cabdifitaax Maxamed Salaad, kadib markii uu helay 14-cod, isagoo hal cod kaga guulaystay musharrixii ku soo xigay, Daahir Maxamed Maxamuud oo isna helay 13-cod. Sidoo kale, guddoomiye ku xigeenka degmada Dhahar, ayaa loo doortay Maxamed Muuse Cabdirixmaan, waxaana sidaasi ku dhammaystirmay maamulka cusub ee loo dhisay degmadaasi Dhahar ee xarunta gobolka Haylaan. PUNTLAND POST The post Puntland oo maamul cusub u dhistay degmada Dhahar appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites