Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo 24-saac gudahood laba degmo kala wareegay malayshiyaadka Ahlusunna

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa saaka oo Axad la wareegay gacan-ku haynta degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud, kadib markii ay halkaasi isaga baxeen  malayshiyaad taabacsan ururka Ahlusunna oo horay u joogay degmadaasi.

Is-rasaasayn Xooggan ayaa la soo weriyay  in xalay laga maqlay gudaha magaalada Guriceel, taasi oo dhexmaraysay ciidanka dowladda iyo kooxda Ahlusunna, ka hor inta aysan si buuxda ula wareegin militariga dowladda Federaalka.

Dhammaan xarumihii ay degmada kaga sugnaayeen malayshiyaadka Ahlusunna ayaa la xaqiijiyay in ay saaka gacanta ku hayaan ciidamada dowladda, gaar ahaanna qeybta 21-aad  ee Xoogga dalka oo ay weheliyaan  cutubyo ka tirsan Nabadsugida.

Xaaladda Guriceel ayaa la soo sheegaya in ay deggantahay, inkastoo dadka degaanku ay ka cabsi qabaan in mar kale ay dib ugu soo laabtaan malayshiyaadkii Ahlusunna, islamarkaana dagaal ka qarxo halkaasi.

Sidoo kale, Ciidamada dowladda ayaa shalay la wareegay degmada Matabaan, kadib markii ay ka saareen ciidamo ka tirsan Ahlusunna oo horay gacanta ku hayay.

PUNTLAND POST

The post Ciidamada dowladda Soomaaliya oo 24-saac gudahood laba degmo kala wareegay malayshiyaadka Ahlusunna appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this