Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: CC Shakuur oo digniin culus ka soo saaray dagaalada ka soo cusboonaaday Galmudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho-(Caasimada Online)-Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka digay dagaal ka qarxa deegaanada Galmudug, gaar ahaan deegaanada ay maamusho Ahlu-Sunna Waljamaaca.

Cabdiraxmaan ayaa dowladda federaalka ku eedeeyay in ay Ahlu-Sunna uga baxday balan ay la gashay oo ahayd in la siiyo 35 xildhibaan sida uu habeen ka hor Dhuusamareeb ka qiray wasiirka arrimaha gudaha Cabdi Maxamed Sebriye.

Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir ayaa dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyene Farmaajo oo ola-olihiisii doorashada ku soo galay kelmado ahaa “Siyaasaddu been maaha, siyaasadu khayaano maaha, siyaasaddu waa xal raadin iyo erayo la mid ah uu maanta khayaano siyaasadeed oo laga xishoodo kula kacay Ahlu-Sunna, oo uu sheegay in saamigii siyaasadeed ee loo balan qaaday uu noqday oo kaliya fure lagu galay Dhuusamareeb.

“Waxaa yaan darro ah in iyadoo masiibo qaran ay ka taagantahay magaalada Beledweyne ay dowladdu intii ay u gurman lahayd dadka dhibaateysan ay awoodeedii iskugu gaysay in ay xoog ku maquuniso Ahlu-Sunna iyo Galmudug oo dhan” ayuu yiri C/Raxmaan C/Shakuur.

Waxa uu sheegay in ciidamadii loogu tala galay in ay xiligaan dagaal kula jiraan Al-Shabaab ay maanta xabad ka ridayaan Matabaan, isagoo uga digay ciidankaas inay geystaan dambiyo dagaal kulana taliyay in madaxda ku amreysa dagaalada nuucaas ah ay amarkooda ku fuliyaan oo kaliya warqad rasmi ah.

“Taliyaha qeybta 21aad ee xoogga dalka, taliyaha guutada 15aad ee qeybtaas, taliyaha NISA, taliyaha ciidanka Haram-cad iyo taliyaha ciidanka Danab waxaan uga digayaa in ay fuliyaan amar qaldan, waxaan hada aragnaa kuwo leh amar ayaa la igu siiyay in aan dad weeraro oo cadaaladda ka baxsan la’ hadii aad is leedahay dalka sharci kama jiro oo cid wax kaa qaadeysa malahan, waxaa ku qabanaya sharci caalami ah oo meel aad ka gasho aadan heli doonin” ayuu yiri Cabdiraxmaan.

Hadii uu dagaal ka qarxo Galmudug waxa uu sheegay in ay dhimanayaan oo kaliya dad reer Galmudug ah, isgoo ciidanka Ahlu-Sunna iyo kuwa dowladda dhexe ka dalbaday in ay ka fogaadaan wax walba oo keeni kara dagaal.

Sidoo kale Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa odayaasha dhaqanka, dowladda federaalka iyo Ahlu-sunna Waljamaaca ugu baaqay in khilaafka jira lagu xaliyo wada hadal oo marnaba aysan dhicin in colaad loo durbaan tumo.

Halkaan ka Daawo:

Caasimada Online

Xaafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this