Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Puntland iyo wafdi uu hogaaminayo oo lagu soo dhoweeyey degmada Dangoroyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hogaaminayo oo isugu jira labada Gole ee Dowladda, ayaa galabta lagu soo dhoweeyay degmada Dangoroyo ee Gobolka Nugaal.

Wafdiga uu hogaaminayo Madaxweynaha Puntland waxaa banaanka hore ee degmada Dangoroyo kusoo dhoweeyay masuuliyiin ka mid ah labada Gole ee Dowladda , Maamulka Degmada, Hogaanka Dhaqanka iyo boqolaal ka mid ah Bulshada kala duwan ee degmada Dangoroyo.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni oo fagaare kula hadlayey dadweynaha Dangoroyo, ayaa uga mahadeliyey soo dhoweynta, wuxuuna Madaxweynuhu sheegay in waxyaabihii ay dadka deegaanka hore uga codsadeen oo ay ka mid aheyd dhismaha Wadada Dangoroyo iyo Eyl, uu ku faraxsanyahay in dhowaan shaqadeedu bilowmayso, oo wafdi uu hogaaminayo Safiirka Shiinaha oo arrimahaasi u yimi uu asbuucan booqday Eyl.

Ugu danbeyntii Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku dhiirigeliyey dadka degmada Dangoroyo ka shaqeynta horumarka, Midnimada iyo Nabadgelyada guud ee Puntland.

  • 1-3.jpg?w=1000&ssl=1
  • 2.jpg?w=1000&ssl=1
  • 3.jpg?w=1000&ssl=1
  • 4.jpg?w=1000&ssl=1
  • 5.jpg?w=1000&ssl=1
  • 6.jpg?w=1000&ssl=1
  • 7.jpg?w=1000&ssl=1
  • 8.jpg?w=1000&ssl=1
  • 9.jpg?w=1000&ssl=1
  • 10.jpg?w=1000&ssl=1
  • 11.jpg?w=1000&ssl=1
  • 12.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Puntland iyo wafdi uu hogaaminayo oo lagu soo dhoweeyey degmada Dangoroyo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this