Deeq A. Posted November 2, 2019 Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weeraro saacadihii la soo dhafay dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoos ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Weerarka koowaad oo loo adeegsaday qarax miino ayaa lagu qaaday kolonyo ka tirsan ciidamada Midowga Africa ee AMISOM oo marayey inta u dhexeysa deegaanada Mashalaay iyo Danow ee gobolkaasi.sa Al-Shabaab ayaa sheegtay in qaraxaasi ay ku gubtay illaa labo Gaari kala ah Xamuul iyo Booyad. Sidoo kale waxa ay sheegtay in weerarkaasi dhimasho iyo dhaawac uu ka soo gaaray ciidamada AMISOM, walow aysan shaacin tirada askarta ay waxyeeladu soo gaartay. Dhinaca Idaacadda Andaluusl ee ku hadasha afka Al-Shabaab ayaa baahisay in lix askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda lagu dilay Qoryooley, kadib qarax ay Al-Shabaab la beegsatay saldhigga Booliska degmadaasi. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo ku aadan khasaaraha ka dhashay qaraxyadaasi. Inta badan Al-Shabaab oo weli ku xoogan Shabeelaha Hoose oo dagaallo ay la dageen ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaqaaq ah ka fulisa gobolkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites