Deeq A. Posted November 2, 2019 Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya iska hor imaad u dhexeeyey ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlu Sunna oo maanta ka dhacay degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan. Dagaalka ayaa yimid, kadib makii ciidanka Ahlu Sunna ay isku dayeen inay is hortaag ku sameeyaan wasiirka arrimaha gudaha Somalia oo gaaray degmadaasi. Wararka ayaa sheegaya in dagaal socday ku dhowaan 40 daqiiqo uu ka dhacay halkaasi, kaas oo looga adkaaday ciidamada Ahlu Sunna Waljamaaca. Ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in ciidamada dowladdu ay si rasmi ah ula wareegeen gacan ku heynta degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan. Xaaladda ayaa hadda ah mid kacsan, waxaana ciidamadii Ahlu Sunna ay ku sugan yihiin duleedka magaaladaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites