Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray M/Beledweyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha JFS, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa waxaa magaaladaasi ku soo dhoweeyey Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Mudane Maxamed Cabdi Waare.

Safarkan ayaa waxaa sidoo kale Madaxweynaha ku wehlinaya qaar ka mid ah xubnaha guddiga gurmadka fatahaadaha oo uu dhowaan magacaabay Ra’iisul wasaare Khayre.

Inta uu joogo Madaxweynaha Beledweyne waxa uu ukuur geli doonaa saameynta uu fatahaada wabiga Shabelle uu ka geystay gudaha magaaladaasi.

Xaaladda degmadan ayaa muddooyinkii dambe laga deyrinayey, kadib daadad iyo roobab wata oo ku dhuftay halkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this