Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhaxal-Sugaha Boqortooyada Sacuudiga Oo La Tuhmayo Inuu Xidhiidh Jaceyl La Leeyahay Aktarad Caanka Ah Maraykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Riyadh)-Waxaa sii xoogeysanaya warar ay werinayaan qaar ka ka mid ah warbaahinta Mareykanka oo ku saabsan in xidhiidh jaceyl oo qarsoodi ah uu ka dhexeeyo dhaxal-sugaha boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salaman iyo aktaradda Mareykanka ee Lindsay Lohan.

crown-prince-lindsay-lohan-1024x768.jpg

Wargeyska Daily Beast ayaa weriyey in Bin Salman iyo Lohan ay aad isugu soo dhowaanayeen bilihii dhowaa, islamarkaana uu caalamka oo idil ugu duulinayey diyaaraddiisa gaarka ah, islamarkaana ugu qubeynayey haddiyado.

Haddiyadaha uu Bin Salman siiyey Lindsay ayaa waxaa ka mid ah credit card ay ku jirto lacag badan. Mar dad ku dhow Lindsay la weydiiyey waxa ka jira xidhiidhka waxay sheegeen in ayada iyo Bin Salman is-garanayaan, balse ma aysan bixin faah-faahin intaas ka baxsan.

Dad arrintan xog-ogaal u ah, kuna dhow Lindsay oo 33 jir ayaa sheegay inay si joogto ah isku weydaarsadaan farriin qoraaleedyo, balse waxay beeniyeen inuu siiyey haddiyad lacageed iyo inuu xidhiidh jaceyl ka dhaxeeyo midkoodna.

Linday Lohan ayaa fadhigeedu yahay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, waxaana dadka ku dhow ay sheegeen in la kulankeeda badan ee madaxda carabta ay mar kasta abuuri karto warar xan ah oo ku saabsan xidhiidho jaceyl.

Qof kale oo ayada ku dhow ayaa yidhi “madaxa carabta marka ay arkaan way waashaan.”

Xidhiidh lala sameeyey Maxamed Bin Salmaan iyo dad ku dhow waa ay diideen inay ka jawaabaan xidhiidhkan la tuhmayo, hase yeeshee waxay qireen in Lindsay ay marar badan Sacuudiga u timid sare u qaadiidda magaca boqortooyada iyo arrimo kale.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this