Sign in to follow this  
Deeq A.

Eritrea oo CIA Ku Eedeysay Afgambi Dhicisoobay

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Eritrea ayaa sheegtay iney heyso caddeymo ku filan oo muujinaya in hey’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA ay qorsheysay dibad-baxyo la mid ah kuwii ka dhacay dunida carabta.

Arrintan ayaa waxaa la leeyahay waxaa lagu go’aamiyey kulan qarsoodi ah oo CIA ku yeelatay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Eritrea waxaa ay sheegtay in ujeedka CIA ahaa in xukuumadda dalkaasi loo tuuro si la mid ah tii lagu riday madaxweynihii Libya Mucamar Al-qadaafi.

Waxaa la filayaa in Eritrea ay soo saaray warqado kashifaya sida Mareykanka iyo Israel ugu lug lahaayeen afgambi la doonayey in laga rido Asmara.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this