Sign in to follow this  
Deeq A.

“CIA Waxay Isku Dayday Iney Afgambi Igu Sameyso…” Dowladda Eritrea Oo Soo Saartay Warmurtiyeed Xasaasi Ah

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Asmara)-Dowladda Eritrea ayaa soo saartay warmurtiyeed aan hore looga baran iyada oo warmurtiyeedkeeda ku eedeysay iney laanta sirdoonka Mareykanka ee CIA ay Eritrea u maleegtay afgambi. Waxayna xukumadda Asmara warmurtiyeedkeeda carrabka ku dhufatay laanta sirdoonka Israa’iilna iney afgambigaasi la damacsanaa gacan ka geysatay.

109495809_gasheisayas.jpg

Dowladda Eritrea waxay sheegtay in afgambigi Millatari lala damacsanaa sanadka marka uu ahaa 2011-ka, balse hadda ay heleen macluumaad dhammeystiran oo afgambiga la damacsanaa muujinaya.

Afgambigi la damacsanana waxaa qayb ka ahaa ayey tidhi xukumadda Asmara in kacdoonna shacab gudaha Eritrea laga abaabulo si awoodda dowladda loo wiiqo.

Warmurtiyeedka ka soo baxay xukumadda Asmara oo ku qornaa afka Tigreega waxaa si toos ah looga magac ***** shaqsiyaadka iyo laamaha afgambiga loo maleegayey ka qayb qaatay ee ay sheegtay iney ku kulmeen magaalada Nairobi.

Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha qoxootiga ee UNHCR waxay CIA ku amartay inuu gacan ka geysto sidi ay shacabka Eritrea uga qixi lahaayeen dalkooda waa sida warmurtiyeedka Xukumadda Asmara lagu sheegaye.

“Kooxaha afgambiga maleegayeyna” kooxda qaranka kubadda cagta Eritrea iney dalkooda ka baxsadaan oo ay waddamo kale magangalyo weydiistaan ayey ku dhiirragelinayeen ayaa lagu yidhi warmurtiyeedka.

Waxaana taa tusaale ugu filan kooxda kubadda cagta Eritrea oo Nairobi ciyaar kaga qayb galayey ee diiday iney dalkooda dib ugu noqdaan.

Dhawaanna waxaa dalka Uganda iska dhiibay afar ciyaartooy oo Eritrea u dhashay oo noolal dhuumaaleysi ah oo cabsi badan ku jooga dalka Uganda ayey Asmara ku sheegtay warmurtiyeedkeeda.

Laanta Sirdoonka Israa’iilna waxay ka shaqeyneysay ayey tidhi warmurtiyeedka Asmara ka soo baxay iney diyaariso xoga been ah oo ku saabsan iney xukumadda Asmara ay xidhiidha la leedahay kooxaha argagixisada ee Bariga Dhexe ka dhaqdhaqaaqa.

Iyada oo ay Moosad marar badan saraakiisha sarsare ee ka tirsan ciidamada Eritrea ay ku eedeysay iney ka shaqeeyaan tahriibinta dadka.

Dowladda Eritrea sababata ay warbixintan xasaasiga ee ay muddo qarineysay xilligan ugu soo beegtay ayaan caddeyn.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this