Sign in to follow this  
Deeq A.

Jabuuti oo lacag ku wareejisay guddiga Fatahaadaha

Recommended Posts

Deeq A.   

Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya, Aadan Xasan Aadan ayaa guddiga gurmadka fatahaadaha ku wareejiyey lacag dhan 600,000 oo Dollerka Mareykanka ah.

Danjiraha ayaa sheegay in lacagtan dowladda Jabuuti iyo shacabkeeda ay uga qeyb qaadanayaan gurmadka loo fidinayo dadka ay sameeyeen fatahaadaha.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Jabuuti ay mar walbo garab taagan tahay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, islamarkaana ay ka qeyb qaadan doonto, sidii looga hortagi lahaa fatahaadaha soo laa laabta ee saameeyey dadka ku dhaqan magaalada Beledweyne.

Dhankiisa wasiirka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ka mid ah xubnaha guddiga gurmadka Qaran ee fatahaadaha ayaa Madaxweynaha Jubuuti, xukuumaddiisa iyo shacabka ay uga mahadcelinayaan gargaarka ay soo gaarsiyeen walaalahooda Soomaaliyeed ee dhibaateysan.

Maareeye ayaa sidoo kale xusay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, aysan ilaabi doonin, sida walaalnimada leh ee ay u garab istaagtay dowladda Jabuuti.

Deeqda lacageed ee ka timid Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa qeyb ka ah gurmad xoogan oo loo fidinayo dadka Soomaaliyeed ee fatahaaduhu sameeyeen.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this