Deeq A. Posted November 2, 2019 Taliyihii guud ee ciidanka Booliska Soomaaliland, Sarreeye Gaas Cabdulaahi Fadal Iimaan ayaa xalay ku geeriyooday gudaha magaalada Hargeysa ee xarunta maamulkaasi. Marxuumka oo muddooyinkii dambe xanuunsanaa ayaa xalay ku dhintay isbitaal ku yaalla Hargeysa. Geerida ku timid taliyaha oo saaka lagu wado in la aaso ayaa waxaa ka tacsiiyey wasiirka arrimaha gudaha Somalaland, Maxamed Kaahin Axmed. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Cod-Jaamac.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites