Sign in to follow this  
Deeq A.

Dedaallo Loogu Gurmanayo Shacabka B/weyne Oo Laga Bilaabay Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Qaar ka mid ah magaalooyinka Somaliland ayaa lagu soo waramayaa in xilligan ay ka bilowdeen dedaallo loogu gurmanayo shacabka B/weyne, oo dhibaato xooggan kasoo gaartay fatahaaddii uu magaaladaasi ku sameeyey Wabiga Shabelle.

Dhallinyaro, culimo iyo waxgarad ayaa magaalooyinka Hargeysa, Ceerigaabo iyo Burco ka bilaabay qorshaha loogu gurmanayo shacabka B/weyne, iyaga oo taga goobaha dadku ku badan yahay, xaafadaha, Masaajidda iyo xarumaha waxbarashada.

Waxa ay wataan codbaahiyeyaal ay dadka kaga dalbanayaa iney u gurmadaan walaalahooda B/weyne si wax loogu muujiyo garab istaag walaalnimo.

Inta badan gobollada dalka ayaa waxaa si xowli ah uga socda gurmadka loo sameynayo shacabka B/weyne oo u baahan gurmad degdeg ah.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this