Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Puntland oo amray in canshuur-dhaaf loo sameeyo shirkadaha keena gaaska cuntada

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo hadal ka jeediyay kulan uu la qaatay bulshada ku nool magaalada Qardho, ayaa ku baaqay in loo istaago la’dagaallanka xaalufinta degaanka, si looga ilaaliyo nabaad-guurka.

Wax soo-saarka in la ilaaliyo, waxa ugu muhiimsan waxa weeye, degaanka in la ilaaliyo. Gobolka Karkaar, madaxdiisana waan farayaa, dadkiisana waan ka codsanaya in gacan lagu siiyo la’dagaallanka  dadka dhuxusha shidaaya” ayuu yiri madaxweyne Deni.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda waajib ka saaranyahay, in bulshada loo keeno wixii baddiil u noqon lahaa shidista dhuxusha, isagoo ku boorriyay dadweynaha, in la isticmaalo Gaaska cuntada, si looga maarmo dhuxusha iyo xaabada oo sida uu sheegay xaalufin ku haya degaanka.

Sidoo kale, madaxweyne Deni ayaa ku amray wasaaradda Maaliyadda Puntland, in dhammaan shirkadaha keena gaaska cuntada canshuur-dhaaf loo sameeyo, si loo dhiirri-geliyo isticmaalka gaaska.

Hoos ka daawo muuqaalka

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Puntland oo amray in canshuur-dhaaf loo sameeyo shirkadaha keena gaaska cuntada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this