Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaramada Midoobay oo sheegtay in Fatahaadda Soomaaliya ay bara-kicisay in ka badan 270,000 kun oo ruux

Recommended Posts

Deeq A.   

Qaramada Midoobay ayaa jimcihii shalay shaacisay, in fatahaadaha roobku ka sameeyay gobollo ka tirsan Koonfuurta Soomaaliya ay bara-kiciyeen in ka badan 270,000 kun oo ruux, islamarkaana ay burburiyeen kaabayaashii nolosha ee dadkaasi.

Meelaha dadka ugu badan ka bara-kaceen, waxaa kamid ah magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo uu fatahaad xooggan ka sameeyay webiga Shabeelle, kadib markii roobab mahiiggaana halkaasi ka da’een todobaadyadii la soo dhaafay.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in magaalada Beledweyne oo keliya ay ku dhinteen 10 ruux, kadib markay la rogmatay doonni ay saarnaayeen, xilli ay doonayeen in ay soo badbaadiyaan shacab ku go’doonsanaa fatahaadda webiga Shabeelle ka sameeyay degmadaasi ku taalla bartamaha Soomaaliya.

Sidoo kale, Qaramada Midoobay waxay hoosta ka xarriiqday in dadka kor u dhaafaya 270,000 kun oo ruux ee ku bara-kacay fatahaadaha webiyada Jubba iyo Shabeelle, ay u baahan yihiin in lala gaaro gargaar deg deg ah.

PUNTLAND POST

The post Qaramada Midoobay oo sheegtay in Fatahaadda Soomaaliya ay bara-kicisay in ka badan 270,000 kun oo ruux appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this