Sign in to follow this  
Deeq A.

War Degdeg Ah: Taliyihii Ciidamada Booliska Somaliland Oo Geeriyooday

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Taliyihii Ciidamada Booliska Somaliland Sareeye Gaas Cabdilaahi Fadal Iiman ayaa Goor Dhaweyd ku geeryooday Magaalada Hargeisa, sida uu xaqiijiyey wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdinaasir Cumar Jaamac.

fadal-iiman.jpg

Taliyaha ayaa ku geeriyooday cisbitaalka Hargeysa International oo uu xaalad Caafimaad u yaalay.

Maamulka iyo Bahda warbaahinta Somalilandtoday waxay tacsi u diraysa ehelka, qoyska, qaraabada, ciidamada iyo guud ahaan Qaranka Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdillaahi Fadal.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this