Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa lagu helay Xildhibaan Cawil oo laga cafiyey?

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxtooyada Puntland ayaa sheegtay in Madaxweyne Deni uu cafiyey Xildhibaan Cawil Daad oo madaxweynaha su’aal weydiiyey dhawaan.

War qoraal ah oo caawa ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegtay in xildhibaano ka tirsan Puntland ay Madaxweyne Deni maanta kulan kula qaateen Qardho, kuwaas oo u waday sida ay Madaxtooyadu sheegtay dhambaal raaligelin ah oo ku saabsan arrinta Xildhibaan Cawil Xasan Daad.

“In ka badan 20 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Dowladda Puntland ayaa kulan kula qaatay Qardho Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Xildhibaanadan oo saaka ka yimi Garoowe ayaa u sheegay Madaxweynaha in ay u wadaan dhambaal raaligelin ah oo ku saabsan arrinta Xildhibaan Cawil Xasan Daad” ayaa ugu horreyn lagu yiri qoraalka Madaxtooyada Puntland.

Sidoo Madaxtooyada Puntland ayaa qoraalka ku sheegtay in xildhibaanadu Madaxweyne Deni ka codsadeen in la cafiyo Xildhibaan Cawil Xasan Daad, Xeer illaalintu’na ay la laalabato Dacwadda ay ka gudbisay Xildhibaanka.

“Waxay Xildhibaanadu Madaxweynaha u gudbiyeen dhambaal raali-gelin ah iyagoo codsaday in la cafiyo Xildhibaan Cawil Xasan Daad, Xeer illaalintu’na ay la laalabato Dacwadda ay ka gudbisay Xildhibaanka” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka Madaxtooyada Puntland.


Madaxtooyada Puntland ayaa sheegtay in Madaxweyne Deni uu ka aqbalay codsigii xildhibaanada.

“Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo si qoto dheer u dhegaystay Mudaneyaasha Baarlamaanka ee Qardho ugu yimi arrintan darteed, isla markaana tixgelinaya codsiga mudaneyaasha wuu ka aqbalay codigaasi” ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka ka soo baxay Madaxtooyada Puntland.

Dhanka kale ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Baarlamaanka Puntland oo lagu ayidayo ama lagu diidayo warka Madaxtooyada.

Sidoo Baarlamaanka ayaa wali wax jawaab ah siin Xeer ilaalinta Puntland oo maalin ka hor ugudbisay qoraal ay ku codsanayno in xasaadda laga qaado Xildhibaan Cawil Daad.

PUNTLAND POST

The post Maxaa lagu helay Xildhibaan Cawil oo laga cafiyey? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this