Sign in to follow this  
Deeq A.

KENYA Oo Weji Cusub U Yeeshay Kiiska Badda, Weerar Culusna Ku Qaaday Farmaajo

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Nairobi)-Dowladda Kenya ayaa weji cusub u yeeshay muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, una rogtay dagaal ay kula jirto maamulka madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xoghayaha wasaaradda arrimaha dibedda Kenya Kamau Macharia ayaa wareysi uu siiyey taleefishinka Citizen ku sheegay in Kenya “ayna wax dhibaato ah kala dhaxeyn shacabka Soomaaliya, balse ay dhib isku qabaan maamulka Villa Somalia.”

Waxa uu sheegay in maamulka madaxweyne Farmaajo “uu ku guul-darreystay inuu qiimeeyo hadafyada ka dhaxeeya labada dal”, waxaana siyaasadda madaxweyne Farmaajo wax ku wajahayo uu ku qeexay “mid aan cudur daar lahayn”.

“Murankan badda waxaa soo agaasimay hoggaanka Soomaaliya oo ku guul-darreystay inuu qiimeeyo wax aka dhaxeeya labada dal. Kenya maal-gashi badan ayay ku sameysatay Soomaaliya. Dadka Soomaaliya nagama soo horjeedaan,” ayuu yidhi Kamau.

Sida uu sheegay Kamau, Kenya waxay door-bideysay wada-hadal, hase yeeshee Soomaaliya ayaa sannadii 2014 go’aansatay inay kiiska geyso maxkamadda caalamiga ah ee cadaalaadda ee ICJ.

Kamau ayaa sheegay in Kenya ay sii wadi doonto inay u ololeyso wada-hadal ay la gasho Muqdisho. Waxa uu sheegay in “is-faham waaga” aanu saameyn doonin wada-jirka nabadeed ee shacabka Soomaaliya iyo Kenya.

“Waxaan weydiisanayaa maamulka Farmaajo inuu joojiyo madax adeegga” ayuu yidhi Kamau oo sheegay in socdaal uu dhowaan Muqdisho ku tagay xoghayaha maamulka arrimaha dibedda Kenya Ababu Namwamba uu astaan u yahay sida ay Kenya uga go’an tahay inay la shaqeyso Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in waqti dheer ay qaadan doonto in kiiskan go’aan laga gaadho balse marka ay dhacdo ay Kenya taxliilin doonto kadibna go’aankeeda shqacin doonto.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this