Sign in to follow this  
Deeq A.

Aqalka Hoose Ee Maraykanka Oo Meel Mariyay Go’aan Xil Lagaga Xayuubinayo Madaxweyne Trump

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Aqalka Hoose ee Koongareeska Maraykanka ayaa shalay si rasmi ah u furay baadhitaanka lagu samaynayo haddii uu Madaxweyne Donald Trump ku kacay falal ka baxsan awoodihiisa dastuuriga ah.

Madaxweynaha ayaa lagu eedeeyey in uu khadka telefoonka kula hadlay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky uu ku cadaadiyey inuu baadhitaan ku sameeyo madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka Joe Biden.

Biden ayaa hogaaminaya musharraxiinta xisbiga Dimuqraadiga ah ee u baratamaya ku guuleysiga musharraxa xisbiga ee doorashada madaxtinimo ee sanadka danbe.

Madaxweyne Trump ayaa ku adkaysanaya in aanu cadaadin madaxweynaha Ukraine.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this