Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda UGaandha oo ciidamo cusub u soo diraysa Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Yugaandha ayaa qorshaynaysa in ay Soomaaliya usoo dirto Ciidamo Boliis ah,kuwaasi oo ka qeyb noqon doona howl-galka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Agaasimaha howl-gallada Nabadda Boliiska Yugaandha, Grace Turyagumanawe, oo dhowaan booqasho ku yimid Muqdisha ayaa sheegay in uu Ciidankani ka qeyb qaadan doono sugidda ammaanka Dalka Soomaaliya.

Taliye ,Turyagumanawe ayaa hadalkan ka jeediyay kulan uu Muqdisho kula qaatay Saraakiisha howl-galka midowga Afrika ee Soomaaliya, si uu ugu kuur galo heerka shaqadooda nabad ilaalineed iyo tababarrada ay bixiyaan.

Sidoo kale, Simon Mulongo, ku-xigeenka wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika, ayaa kulanka ka sheegay in uu ku qanacsan yahay doorka ay Boliiska Yugaandha kaga jiraan nabad dhisidda iyo sare u qaadidda awoodda Boliiska Soomaaliya.

Ciidanka Boliiska midowga Afrika ayaa qorsheynaya in xilliga kala guurka ka hor ay Booliska Soomaaliyeed u diyaariyaan qalabkii ay ku howl-geli lahaayeen iyo tababarro dhammays tiran, si ay ammaanka Dalka iyo kala dambayntuba ula wareegaan marka ay Dalka ka baxdo AMISOM 2021-ka.

Ciidankan cusub oo aan tiradiisa la shaacin ayaa qeyb ka noqonaya Ciidamo Boliis Afrikaan ah oo horay dalka Soomaaliya u joogay Soomaaliya, kuwaas oo ka kala socda Waddamada Uganda, Kenya, Nigeria, Sierra Leone , Zambia iyo Ghana, kuwaas oo ilaaliya xarumaha muhiimka ah tababarna siiya Booliska Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Dowladda UGaandha oo ciidamo cusub u soo diraysa Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this