Sign in to follow this  
Deeq A.

Gurmadka daadadka oo lagu baaqay in laga ilaaliyo musuqa

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Xubno ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa kusii jeeda qaar kamid ah degaanadda ay ku fataheen webiyadda.

Mas’uuliyiinta ayaa lagu wadaa in ay gaarsiiyeen gurmad ay dowladdu ugu talagashay dadka ay saameeyeen daadadka oo waxyeelo daran sababay.

Dhinaca kale, wax-garad Soomaaliyeed oo ka hadlay gurmadka ayaa soo jeediyay in laga ilaaliyo musuqmaasuqa iyo wax is-dabamarin.

Indheer-garadka ayaa cod dheer ku qeexay in ay diyaar u yihiin sidii ay door muuqata uga qaadan lahaayeen gargaarka la gaarsiinayo Walaalaha Soomaaliyeed.

Gobolka Hiiraan ayaa la sheegayaa in uu yahay meesha ugu badan ee dhibaatada daadadka ka jiraan, waxaana ku dhintay tobanaan ay mas’uuliyiin kamid yihiin.

Hoos ka dhageyso warka oo cod ah

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/FFA.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this