Sign in to follow this  
Deeq A.

Cumar Filish oo sheegay in uu tegayo M/Beledwayne

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledwayne (SMN) – Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa sheegaya in uu dhowaan tagayo Beledwayne, xarunta gobolka Hiiraan.

Cumar Maxamuud Maxamed [Cumar Filish] ayaa tibaaxay in ujeedka socdaalkooda yahay sidii ay ugu biiri lahaayeen gurmadka loo fidinayo dadka shacabka ah.

Mr Filish ayaa dhowaan magacaabay Guddi heer gobol ah, kaasoo ka qeyb qaadanayo caawinta Walaalaha Soomaaliyeed ee dhibaatadu soo gaartay.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya xili ay socdaan dhaqdhaqaaqyo balaaran, kaasoo la doonayo in lagu caawiyo dadka ku nool degaanada ay Webiyadu ku fataheen.

Hoos ka dhageyso warka oo cod ah

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Al-Shabaab.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this