Deeq A. Posted November 1, 2019 Kismaayo (SMN) – Al-Shabaab ayaa ku dhawaaqday qorshe ay ku Carabiyeyneyso bulshadda ku dhaqan goboladda Jubooyinka. Xarakadda ayaa ku amartay dadweynaha in ay bartaan luqaddaas, isla markaana caruurtooda ay waajib ku tahay barideeda. Iskuuladda degaanadaas kunool ayay sidoo kale fartay in ay Manhajka waxbarashadda u saleeyaan luqadda Carabiga ah. Goobaha ganacsiga ayay sidoo kale u sheegtay in aysan ku qori karin iidhehyadda boorarkooda luqadda Afka Soomaaliga ah. Ciidii aanan fulin amarkooda ayay cod dheer ku sheegtay in ay ka qaadeyso talaabo adag, sidda ay hadalka u dhigtay. Al-Shabaab ayaa maamusha gobolo badan oo ka tirsan Jubooyinka oo ay ku taalo xaruntooda ugu weyn oo ah Jilib. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Ala.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites