Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo amar dul-dhigtay shacabka Jubbooyinka

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (SMN) – Al-Shabaab ayaa ku dhawaaqday qorshe ay ku Carabiyeyneyso bulshadda ku dhaqan goboladda Jubooyinka.

Xarakadda ayaa ku amartay dadweynaha in ay bartaan luqaddaas, isla markaana caruurtooda ay waajib ku tahay barideeda.

Iskuuladda degaanadaas kunool ayay sidoo kale fartay in ay Manhajka waxbarashadda u saleeyaan luqadda Carabiga ah.

Goobaha ganacsiga ayay sidoo kale u sheegtay in aysan ku qori karin iidhehyadda boorarkooda luqadda Afka Soomaaliga ah.

Ciidii aanan fulin amarkooda ayay cod dheer ku sheegtay in ay ka qaadeyso talaabo adag, sidda ay hadalka u dhigtay.

Al-Shabaab ayaa maamusha gobolo badan oo ka tirsan Jubooyinka oo ay ku taalo xaruntooda ugu weyn oo ah Jilib.

Hoos ka dhageyso warka oo cod ah

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Ala.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this