Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamo cusub oo ka tirsan AMISOM oo loo soo dirayo Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdosho (Caasimadda Online) – Dawladda Uganda ayaa wada qorshe ay Ciidamo Boolis ah ugu soo dirayso Soomaaliya .

Ciidamadan Booliska ah ayaa waxa la sheegay in ay qayb ka noqon doonaan Ciidamada Nabad Ilaalinta AMISOM ee ku sugan Soomaaliya .

Madaxa Ciidamada Booliska Uganda ayaa waxa ay sheegtay in ay wadaan diyaar garowgii ugu dambeeyay iyo sidii loo hubin lahaa Ciidamada Booliska ah ee loo soo dirayo Soomaaliya .

Waxa ay sidoo kale sheegtay in ay wadaan sidii loogu soo iibin lahaa Ciidamadaasi waxyaabaha lagama maarmaanka u ah sugidda amniga .

Dawladda Uganda ayaan shaacin tirada Ciidamada ay Soomaaliya u soo dirayso, balse waxa ay sheegtay in ay leedahay Ciidamada fara badan, kuwaasi oo ku sugan gudaha dalkeeda, isla markaasina wax ka qaban kara amniga Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this