Sign in to follow this  
Deeq A.

Khayre oo shaaciyey in la kordhiyey mushaarka ciidanka

Recommended Posts

Deeq A.   
Muqdisho (SMN) – Golaha wasiirrada ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku meel mariyay ku tala galka miisaaniyadda dawladda ee sannadka 2020 oo dhan $459.5 Milyan.
Kororka ku yimid miisaaniyadda 2020, badankeed waa mushaar loo kordhiyay ciidamada qalabka sida oo askari waliba uu heli doono mushaar dhan $200 bil waliba.
Ra’iisul Wasaaraha dalka, Xasan Cali Khayre, oo gudoomiyey shirka, ayaa shaaciyey in xukuumadda ka go’an tahay daryeelka askarta.
Ciidamada Soomaaliya ayaa horey u qaadan jiray $100, waxaana ay tani ka dhigan tahay in la laba jibaari doono sanadkii hore.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this