Sign in to follow this  
Deeq A.

Gurmad loo diray degaanada uu ku fatahay Webiga Jubba

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (SMN) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gurmad u dirtay dadkii uu saameeyay Webiga Jubba oo ku fatahamay qayb kamid ah gobolka Bay.

Deeqdaan oo ay diyaarad ku geeyeen Baydhabo xubno kamid ah Guddiga Gurmadka Qaranb ayaa lagu wareejiyay Guddiga heer maamul ee Koonfur Galbeed.

Gargaarka oo isugu jira Daawooyin iyo Agabka Jiif ayaa waxaa kamid ah Teendhooyin, Maro kaneeco iyo Malmalaato.

Gurmadkan ayaa waxaa loogu talogalay dadka ka barakacay degaanka Bardaale, halkaas oo kamid ah meelaha uu Webiga ku fatahay.

Hoos ka dhageyso warka oo cod ah

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Bardaale.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this