Deeq A. Posted November 1, 2019 Muqdisho (SMN) – Golaha Odayaasha beelweynta Mogadishu Clan ayaa wuxuu soo dhaweeyay gargaarka ay dowladda gaarsiineyso degaanadii uu ku fatahay Webiga Shabelle. Caasimadda gobolka Hiiraan ee Beledwayne, ayaa kamid ah meelaha ugu daran ee uu Webigu ku fatahay, waxaa la filayaa in loo gurmado dhowaan. Cabdinuur Axmed Diiriye, afhayeenka golahaas, ayaa Ummadda Soomaaliya ku booriyey in ay u istagaaan ka qeyb-qaadashadda gurmadka. Xukuumadda Soomaaliya ayaa dedaal badan waxay ugu jirtaa sidii ay gurmad u gaarsiin lahayd degaanada uu ku fatahay Webiga Shabeelle iyo midka Jubba. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Mogadishu Clan.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites