Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhaqdhaqaaq ciidan oo ka socda gobolka Hiiraan

Recommended Posts

Deeq A.   

Buulaburde (SMN) – Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa howlgalo kawada qaybo kamid ah gobolka Hiiraan.

Dhaqdhaqaaqa ciidan ayaa si gaar ah waxaa looga dareemayaa degaano dhaca magaaladda Buulaburde ee gobolkaas.

Saraakiisha ayaa shaaca ka qaadey in ujeedka howlgalku yahay sidii loo xaqiijin lahaa nabad-gelyadda magaalada iyo hareeraheeda.

Mas’uuliyiinta ma aysan xaqiijin hadii ay jiraan shaqsiyaad ay kusoo qabqabteen howlgaladda oo saacadihii u dambeeyay dhacay.

Degaano dhaca bartamaha dalka ayay Al-Shabaab xiliyadda qaar waxay weeraro ugu geysataa ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM.

Hoos ka dhageyso warka oo cod ah

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Buulaburde.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this