Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Puntland Oo La Kulmay Dhallinyarada Gobolka Haylaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan la qaatay Dhallinyarada Gobolka Haylaan, kulanka waxaa looga hadlay arrimaha dhallinyarada Puntland gaar ahaan Gobolka Haylaan.

Dhallinyarada xubno u hadlay ayaa Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni uga mahadceliyey booqashadiisa Dhahar, waxayna la wadaageen xaaladda dhallinyarada ee deegaanka, qorsheyaasha ay hiigsanayaan iyo baahiyaha jira ee uga xiran dhinaca Dowladda.

Ugu danbeyn Madaxweyne Deni ayaa uga mahadceliyey dhallinyarada soo dhoweyntii iyo in ay la wadaagaan xaaladda ay ku suganyihiin, wuxuu Madaxweynuhu u sheegay in Dowladdu ay muhiimad siiso arrimaha dhallinyarada iyagana ay qeyb ka yihiin dhallintaasi. Sidoo kale wuxuu Madaxweynuhu ku dhiirigeliyey ka shaqeynta Midnimada, Nabada iyo horumarka.

  • 1-50.jpg?w=1000&ssl=1
  • 2-38.jpg?w=1000&ssl=1
  • 3-35.jpg?w=1000&ssl=1
  • 4-32.jpg?w=1000&ssl=1
  • 5-26.jpg?w=1000&ssl=1
  • 6-29.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Puntland Oo La Kulmay Dhallinyarada Gobolka Haylaan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this