Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadda ICJ Oo Soo Saartay Digniin Ku Saabsan Kiiska Badda Soomaaliya Iyo Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Nairobi)-Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ oo ay taallo dacwad u dhaxeyso Dowladaha dariska ah ee Kenya iyo Soomaaliya ayaa soo saartay digniin ku saabsan kiiska Dacwadda Badda.

kenya-iyo-soomaaliya.jpg

Maxkamadda ayaa dacwadda Badda Soomaaliya iyo Kenya kusoo dartay warbixin ay soo saartay oo ka hadleysay waxqabadkeeda 2019.

Maxkamadda ayaa Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya u sheegtay in ayna mar kale aqbali doonin dib u dhigista dacwadda.

Maxkamadda ayaa Dacwadda labada dowladood u mudeyso inay ugu dambeyn dhacdo Bisha June ee sannadka soo socdo 2020.

Dhanka kale Maxkamadda ayaa caddeysay inay Kenya hore u sheegtay in ayna Maxkamadda Kiiskaas qaadi karin balse Maxkamadda ayaa sheegtay inay ku adkeysatay inay kiiskaas awood sharci ah u leedahay inay qaado.

Waxay sheegtay in labad Dawladood ay awood u yeelan waayeen inay kiiskooda ku xaliyaan qaab diplomaasiyadeed hadda wixii ka dambeeyana uu go’aanka hor yaallo maxkamadda iyadana ay soo saari doonto.

Dowladda Kenya ayaa dhawaan maxkamadda ICJ ka codsaday in muddo 12 bilood ah loogu daro kiiska Dacwadda taasoo ay maxkamadda aqbashay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this