Sign in to follow this  
Deeq A.

Cabdi Maxamuud Cumar Oo Mar Kale Maxkamad La Soo Taagay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Addis Ababa)-Waxaa mar kale maxkamad ku taalla magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya ka soo hor-muuqday madaxweynihii hore ee DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar.

Cabdi-Maxamuud-Cumar.jpg

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa maxkamada horteeda ka sheegay in mudadii uu maamulayay gobolka Ismaamulka Soomaalida uu si wanaagsan u maamulayay wax dambi ahna aanu ka gelin deegaanka Soomaalida.

Waxaa uu meesha ka saaray eedeymaha loo jeedinayo, isagoo hoosta ka xariiqay in aanu wax dambi ah gelin.

Maxkamadeyntiisa oo shalay dhacday ayaa waxaa uu ku dalbaday in la sii daayo maadaama aanu gelin wax dembi ah oo uu galay intii uu hayay talada Ismaamulka Soomaalida.

“Waxaan dalbanayaa xoriyaddayda in dib la ii siiyo, ma gelin anigu wax dambi ah muddadii aan xilka hayay” ayuu yidhi Cabdi Maxamuud.
Maxkamadda ayaa booliiska Itoobiya fartay soo qabashada ku dhowaad 10 qof oo kale oo iyana lagu tuhunsan yahay in ay qeyb ka ahaayeen xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo ka dhacay magaalada Jigjiga.

Gaboodfalladaasi waxaa kamid ah dil, kufsi, barakicin iyo dhibaatooyin kale oo ka dhacay magaalada Jigjiga.

Sawirrada ashqaastani ayaa maxkamaddu amar ku bixisay in la baahiyo.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa hore dhowr jeer la horgeeyay maxkamad ku taalla magaalada Addis Ababa iyadoo aan illaa iyo hadda jirin xukun lagu ridey.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this